Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

June 19, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.”

“Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online