Gal-Mudug oo ka tacsiyeysay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

July 25, 2019 - Written by Editor

Cadaado:-Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa tacsi u diray Ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Gobolka Banaadir waxa uuna uga tacsiyeeyay arinta argagaxa leh ee manta ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir halkaas oo ay kooxaha argagixisada arxan laawayaasha ahi ee ku weerareen Masuuliyiinta ugu sarsareysa Gobolka Banaadir.

Waxaa Madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii dadkii ku naf waayay weerarkii manta ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir waxa uuna alle uga baryay in uu caafimaad taam ah siiyo inta dhaawaca ah.

*XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA Galmudug*

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,959 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>