Madaxweynaha JFS oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay horumarka dib-u- eegista Dastuurka

July 30, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku aaddan hawlaha qabsoomay muddadii labada sanno ahayd ee ay shaqaynayeen, kuwa qabyada ah iyo qorshayaasha uga dejisan dardargelinta geeddiga qabyatirka Dastuurka.

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa hoosta ka xarriiqay inuu meel fiican marayo geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo hadda la gagabeeyay qaybta la xiriirta arrimaha farsamada iyo dib u eegista qodabbada iyo qoraalka dastuurka, balse loo baahan yahay in wada xaajood loo dhan yahay laga yeesho qodabbada masiiriga ah ee siyaasadda la xiriira.

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominayey kulanka ayaa markii uu dhegaystay warbixinnada waxa uu sheegay in Dowladdu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka iyada oo xoogga la saarayo xasiloonida iyo wadashaqaynta siyaasadeed ee ka dhexaysa laammaha dowladda maadaama oo ay khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqday caqabad ku ahaayeen geeddi-socodka qabyatirka dastuurka.

“Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammaystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha dhammaystirka dastuurku ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed, sidaasi awgdeedna ay muhiim tahay in laga hawlgalo sidii qayb looga geysan lahaa fududaynta iyo taageerada hawshan Qaran iyada oo laga tanaasulayo danaha shakhsiga ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag isaga oo ku boorriyey in la dardargeliyo dadaallada haatan socda.

Shirka waxa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online