Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

July 20, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha dowladda Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxayidiin Axmed Aw-muuse iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada booliska Puntland ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Booliska. Wuxuu Salaan sharaf ka qaatay Madaxweynuhu cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, kadibna wuxuu kormeeray Qeybta Booliska ee degmada Garoowe oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha howsha baaxada leh ee ay u hayaan Bulshada, Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay Saraakiisha dardar-gelinta shaqada ciidanka booliska, Barnaamijka tayeynta Ciidanka oo hada qeybo ka mid ah Tababaro u socdaan iyo diyaargarowga munaasabada 1-August.

– DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online