Madaxweyne Deni oo Sameeyey Wakaaladaha Biyaha iyo Konrontada ee Puntland.

July 4, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub.

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo horumarinta Biyaha iyo Korontada.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha Dowladda Puntland.

2. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.

3. Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online