Madaxweyne DFS oo magacaabay Guddi qaabilsan Wada hadalada Somaliland (Akhriso Magacyada

July 17, 2019 - Written by Editor
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online