Madaxweynaha Gal-Mudug oo gaaray degmada Hobyo

August 28, 2019 - Written by Editor

Hobyo:-Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf saaka gaaray degmada Hobye ee Gobolka Mudug waxaana garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Gal-mudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Dhinac kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Islam(Axmed Madoobe) oo labo iyo labaatankii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubaland ee afarta sano ee soo socota hogaamin doona Jubaland.

Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka Madaxweynah Gal-Mudug Hambalyada ugu diray Madaxweynaha Jubbaland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,063 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>