Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan

August 15, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.

—-DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online