Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP.

August 6, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal.

Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay’adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaaliya, gaar ahaan Puntland Mr. Cesar Arroyo oo dhowaan la soo magacaabay.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa ku amaanay WFP shaqada balaadhan ee ay ka hayaan dalka, waxaana uu ku booriyey inay halkaasi kasii ambaqadaan oo sii laba jibaaraan shaqooyinka lixaad ka leh ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Madaxa Hay’adda WFP Mr. Cesar Arroyo ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaayeyba kulanka, waxa uu balanqaaday inuu si daacad ah u gudandooni maajibaadkiisa shaqo.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online