Puntland oo u dabaaldegtay Sanadguuradii 21 Markii la aasaasay (Daawo)

August 1, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddomiyaha Golaha Shacabka DFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowladda Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland.

Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland.

Munaasibadda dabaaldegga xuska sanadguurada Puntland ee 01 Augusto ayaa kusoo idlaatay qorshigii iyo habmaamuuskii qorshaysnaa ee ay u diyaariyeen Guddiga qabanqaabada xuska maalintani. Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa caawa lagu qabandoonaa munaasibad balaadhan oo ay Madaxda Puntland, kuwa Dowladda Federaalka, aasaasayaashii Puntland iyo shacabka halyeeyada ah ee Puntland ay kaga sheekayndoonaan taariikhda Guunka ah ee Puntland, Nebadda, xasiloonida, wadajirka iyo horumarka ay Puntland gaadhay 21 sano kadib.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online