12 ka mid ah askarta Burundi oo lagu dilay Soomaaliya

September 16, 2019 - Written by Editor

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa sarkaal u dhashay dalka Burundi ayaa sheegtay in 12 askari oo ka tirsan ciidamadooda AMISOM lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qadaday ciidamada Burundi.

Weerarkan ayaa Sabtidii ka dhacay degaan dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay weerarkaas ku dileen 14 ka tirsan ciidamada Burundi.

Safaaradda Maraykanka ee dalka Burundi ayaa tweet ay dirtay waxay tacsi u dirtay qoysaska reer Burundi ee askartoodu ay ku dhinteen weerarka dhacay Sabtidii.

Maalintii shalayna, laba qarax oo kale ayaa lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, degaan u dhow magaalada Balcad.

Qaraxa mid ka mid ah ayaan khasaare gaysan, hase yeeshee qaraxa labaad oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Amniga jidka u dhexeeya Balcad iyo Jawhar ayaa si weyn u xumaaday sannadkii lasoo dhaafay iiyadoo maleeshiyada Al-Shabaab ay weerarro culus ka gaysteen jidkaasi, kuwaasi oo loo adeegsaday miinooyin iyo maleeshiyaad hubaysan oo weerar soo qaada.

Bishan gudaheeda ayaa la sheegay inay jidkaasi ay ka dhaceen ilaa 10 qarax, kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

Isla maalintii Sabtidii ayaa weerar loo adeegsaday miino oo ka dhacay agagaarka degaanka Gololey oo Waqooyi ka xigta Balcad waxaa ku dhintay afar qof oo mid uu ahaa mas’uul ka tirsan maamulka HirShabelle.


VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online