Jubbaland oo war saxaafadeed ka soo saaray xayiraadii Madaxweyne Sheekh Shariif

September 22, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:- Jubbaland Ayaa War-Saxaafadeed kasoo saartay go’aanka lagu hor istaagay Wafdiga Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee kusoo wajahnaa Magaalada Kismaayo iyo xayiraada Diyaaradaha ee lagu hayo shacabka Jubbaland.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xayiraada iyo is hortaagga lagula kacay Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed ay ka soo horjeedo shuruucda iyo Dastuurka DFS dalka sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah.

Abdi Yare
Kismaayo
Halgan.net

Comments are closed.