Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Maraykanka.

September 22, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, si ay uga qeyb galaan mareetada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doono madashan kulminaysa Hoggaamiyeyaasha Caalamka, iyada oo meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu sumaday “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada.”

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade)

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online