Madaxweynaha Jubbaland oo shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada ee Jubaland

September 26, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Waxaa golahu uu dood ka yeeshay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golaha amniga heer Dowlad Goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca Cusub ee sugida nabadgalyada taas oo ay ku shaqaynayaan Hay’adaha amaanka Jubbaland.

sidoo kale waxaa golahu uu ka dooday dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland ay ku bixinayso sidii looso gabagabayn lahaa dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday Jubbaland waxaana golahu uu ku amaanay Wasaarada sida ay ilaa hada u xalisay qaybo badan oo kamid ah dadkii tabashooyinka qabay.

Waxaa kale oo golahu uu Wasaarada Dastuurka ka dhagaystay Warbixin la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee JFS kaas oo dadaalada lagu dhamaystirayo wali ay wax ka dhiman yihiin isla markana qodobada u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro aysan ilaa hada latashi Dowlada Federaalka ah kala samaynin Jubbaland taas oo meesha ka saaraysa sax ahaanshaha dib u habaynta Dastuurka oo ah heshiis bulsho oo ay tahay in dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca ku yimid Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland in uu wakhti kooban kadib qabsoomayo isla markana ay Magaalada Kismaayo soo gaarayan Marti sharafta kala duwan ee lagu marti qaaday munaasabadan.

Dhinaca kale golahu wuxuu ka hadlay afduubka Magaalada Muqdisho loogu haysto Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur kaas oo ahaan ahayn mid sharci ah Hay’adaha garsoorka Jubbaland ayaa la faray in ay arintaas dadaal dheeri ah ku bixiyaan sidii xal looga gaari lahaa.

………DHAMAAAAD……..

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online