Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

September 16, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirada Amniga iyo Gudaha ee DFS Maxamed Abuukar Islow, Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlaamka Soomaaliya iyo dadweyne tiro badan.

Wafdiga Madaxweyne DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf,waxaana socdaalka madaxweynaha uu salka ku hayaa soo afmeerida shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha DFS Maxamed Claahi Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online