Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Anbabaxay Wadanka Turkiga.

September 25, 2019 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qaybgelayaan Shir ku saabsan Maalgashiga Turkiga ee Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaan isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga.

“Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”.

“Wafti baa ila socda oo isugu jira dowladda Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.

Waftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online