Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Tababar Usoo Xidhay 250 Askari oo Ka Tirsan Ciidanka Birmadka.

September 22, 2019 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xidhmay ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca xuduudaha dalka ee ka hortagga cadawga, sugidda amniga Madaxda, suggidda amniga shacabka, baadhitaanka goobaha ay ka dhacaan hawlgaladu, xeeladaha ka hortagga cadawga shacabka kusoo dhex-dhuunta, ad-adayg, edaab ‘’Asluub’’, ka hortagga xaaladaha deg-degga ah iyo xirfado kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xidhay tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in farxaddani iiraacdo farxaddii 01 Ogoosto 2019 sanadguuradii 21-aad oo aan aragnay cududda iyo xirfadda ciidankeena, waxaanna is leeyahay cadawgii Puntland isagoo awelba calool xumo qabey maanta ayaa ciidamada Puntland Adhaxda ka jebiyeen, ciidankani waxay ku guulaysteen tababarkoodii, waxaan faraynaa oo kula dardaarmaynaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraashiishta In tababarka ciidanka la joogteeyo oo la dedejiyo xeryahooda iyo rugaha ciidanka” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin Guddoonsiiyey macalimiinta ciidanka tababarayey iyo ciidanka kaalmaha hore ka galay tababarka ciidanka mudadii uu socdey.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLND.

Leave a comment

*

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online