Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh.Axmed Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho[Video]

September 23, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh.Axmed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho, ayaa waxaa uu ka hadlay Xayiraaddii ay saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya , xili uu doonayey in uu safar ku aado magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland si uu uga qayb galo caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu casumay.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa’id Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif.

Dhinac kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud oo isagana shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dhalleeceeyey go’aankii lagu hor-istaagay safar uu Madaxweyne Shariif Sh Axmed ku aadi lahaa magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo ay kasoo horjeedo qodobka 21-aad ee dastuurka Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa’id Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud

Madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadal eedeynaha ay u jeediyeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online