Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Isku Keenay Odayaasha Dhaqanka Xeraale Iyo Huurshe

September 4, 2019 - Written by Editor

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay odayaal iyo wax-garad ka socda deegaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda sedax sano ah ay u dhexeysay colaad dhiig badan uu ku daatay.

Kulanka oo goob joog ay ka ahaayeen xildhibaannada deegaannadaas ku metela dowladda dhexe, ayaa qayb ka ahaa dhammeystirka dadaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan oo socdaal uu ku tegay Huurshe iyo Xeraale uuna labada dhinac kala hadlay soo af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo nabadeed.

Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka hagar la’aaneed, waxa ayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta deeganka iyo bulsha si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta dadaallada nabadda iyo horumarka iygana laga doonayo in ay dowrkooda nabaddoonnimo qaataan oo daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka dadka iyo deegaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qayb ka qaadanaya wadajirka iyo isdhex galka bulshada.

—DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online