Madaxweynaha Farmaajo oo ku baaqay inaan loo kala harin gurmadka Fatahaada

October 29, 2019 - Written by Editor

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka.

Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online