Madaxweynaha Jubbaland oo lagu caleemo saaray Kismaayo.[Masawiro]

October 12, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta lagu Caleemo saaray Munaasabad weyn oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweynaha ree Jubbaland ah.

Madaxweynaha oo Munaasabadan khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay dhinacyo kala duwan isagoo ugu horayn ka hadlay xaalada Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu sheegay in doorashadii kadib ay Socdaan dadaalo lagu xalinayo wixii tabashooyin ah ee jira albaabaduna ay u furan yihiin dhamaan dadka ree Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu xooga saari doono xoraynta deegaanada maqan iyo daadajinta maamulka si shacabku ay lahaansho u dareemaan waxaa uu intaas ku daray in taasi ay wadada u xaarayso afar sano oo hormar iyo nabadgalyo ah oo dadka ree Jubbaland ay sugayaan.

Arimaha amaanka ayuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga shaqeeyo nabadgalyada oo ah waxa ugu muhiimsan isla markana dagaalka Al-Shabaab la xoojiyo si ay u hirgalaan qorshayaasha Dowladnimo iyo dib u dhiska dalka.

Isagoo ka hadlayay Madaxweynahu midnimada iyo wadajirka umada wuxuu sheegay in taako kamid ah Dhulka Soomaaliya aanay cidina qaadan Karin isla markana wararka Bulshada lagu beer laxowsanayo ay yihiin kuwo aan mara niyad jabinaynin Shacabka Soomaaliyeed Midnimadooda iyo wax wada qabsigooduna uu sii jirayo.

Dowlada Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay waalidkii Dowladaha xubnaha ka ahna ay yihiin garbahii ama Caruurtii loona baahan yahay in ay is kaashadan oo si wadajir ah danaha Qaranka uga shaqeeyaan wuxuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wax walba oo khilaafadka jira xal lagaga gaarayo.

Waxaa uu Madaxweynahu sheegay in hanaanka dhamaystirka Dastuurka uu wado khaldan ku socdo ilaa hadana aan la ogayn cida hagaysa mar hadii ay ka maqan yihiin Dowlad Goboleedyada wuxuu sheegay in loo bahan yahay in laga wada hadlo oo laga heshiiyo maadama uu masiirka dalka yahay.

Arimaha Doorashooyinka 2020ka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in wakhtigooda ay ku dhacaan si Nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah si taas loo gaarana ay muhiim tahay in talaabooyin hore hada la qaado oo fursadahaas saamaxaya.

Ciidamada AMISOM ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay sida ay uga go’an tahay dadaalkooda Nabad dhalinta Soomaaliya balse loo baahan yahay in wakhti cayiman ay noqoto shaqadoodu si ay dalalkooda iyo qoysaskooda dib ugu laabtaan taas si loo helana ay tahay in shaqo adag ay hada qabtaan oo sidoo kale la dhiso Ciidamada Soomaaliya.

Barnaamijka dayn cafinta ayuu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah looga baahan yahay in uu u arko arin mudnaan leh oo la inooga baahan yahay balse marka hore laga fikiro deeqaha ay Dowlada Federaalka ah ka hesho caalamka ma u maaraysaa sidii la rabay waxaa Madaxweynahu uu Caalamka ugu baaqay in isla xisaabtan laga yeesho kaalmada Soomaaliya la siiyo si dayn cafintu u noqoto mid Shacabka Soomaaliyeed faa’iido u leh.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online