Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

October 29, 2019 - Written by Editor

Qardho:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.
Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

“Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay
Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar
iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida
xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca
Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran
ee ka socda degmada Qardho ” Ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani.

=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

243,200 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>