Madaxweynaha Puntland oo u Hambalyeeyey Axmed Xuseen oo Mar kale Kamid Noqday Baarlaamaanka Canada.

October 23, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca shacabka iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa uu hambalyo u dirayaa Xildhibaan Axmed Xuseen oo ay dib u doorteen shacabka dalka Canada mar labaad, waxaa uu hadda sidoo kale yahay Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qoxootiga dalkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in Xildhibaan Axmed Xuseen uu yahay masuul Soomaaliyeed oo huwan magaca, sharafta iyo milgaha ummadda Soomaaliyeed, Waxa uu tilmaamay in garab muuqda uu siiyey dad badan oo African ah mudadii uu xilka hayey, Wasiirka ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga Liberal-ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Xuseen uu yahay shaqsi wanaagsan oo ka adag shaqadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey xildhibaanka, Ahna Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qaxootiga Dalka Canada Axmed Xuseen inuu u fududeeyo shaqada muhiim ka ah ee uu u hayo shacabka dalka Canada, Isla markaana waxa uu Rabbi “SWC” uga baryey inuu u sakhiro muraadkiisa siyaasadeed, kan shaqo iyo mid shakhsiyadeedba.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online