Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble

October 29, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi oo maanta booqasho ku yimi Magaaladda Qardho ayaa Xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa markii uu saagaray Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi ku sugan, kadibna wuxuu ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo oo uu isagu maanta si rasmi ah u furay.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu sheegay in Dowladda Puntland ay muhiimada koowaad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada si loo helo Ciidan tirsan oo tayeysan.

Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ayaa ka mid ah xarumo lagu tababarayo Ciidamada Dowladda Puntland oo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Sanaag, Ceyn iyo Mudug. Sidoo kale qorshahaasi waxaa dhinac socda diwaangelinta casriga ah ee Ciidamada oo dhowaan la bilaabay.

Xafladda Xarig Jarka Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiiro ka tirsan Dowladda, La taliyeyaal dhinaca Amniga ah oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Aqoonyahano, Hogaan dhaqan, Culimo, Haween iyo boqolaal ka mid ah Ciidamadii ugu horeeyay ee Tababarka ku qaadanaya xaruntan.

=DHAMAAD=

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online