Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya (Masawiro)

October 10, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxaayna ka wada hadli doonaan adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulammo la yeelanaya dhiggooda
dalka Itoobiya, si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.



Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda
Danjire Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane
Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada
Qaranka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

238,719 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>