Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray taallooyin taariikhi ah oo lagu soo nooleeyey Barnaamijka isxilqaan

October 18, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray taallooyinka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda astaamahan iyo casharrada ma guurtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ay waqti kasta kala bixi karaan taariikhdeenna ay ku suntan tahay midnimada iyo geesinimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid uga dul-istaagay taariikhda bidhaameysa ee halyeeyadan, waxa uuna Alle uga baryey dhammaantood in uu ka abaal mariyo halgankii xornimadoonka ahaa iyo in ay naftooda u hureen si dadkooda iyo dalkooduba ay xor u ahaadaan.

“Dalkeennu waxa uu leeyahay halyeeyo badan oo ay tusaale u yihiin halgameyaashan aan maanta maamuuseyno, waxaan rajaynayaa in aan wado xusno si la mid ah taalooyinka maanta halyeey kasta oo dalkeenna wanaag ku daray. Dhammaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka Soomaaliyeed waxa ay naga mudan yihiin maamuus iyo duco.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay sii amba-qaadaan halgankii halyeeyadooda, kana miro dheliyaan hiigsigii ay naftooda u horeen oo ku saleysan midnimo, wax-wadaqabsi iyo in ay noqdaan dad iyo dal miisaankooda ku leh dunida.

“Dhammaan Halyeeyadan waxa ay ka wada shaqeynaayeen xornimada dalka, gumeysiga, quursi iyo qabjabka in uu dalkeennu ka xoroobo, sidoo kale dadkeennu ay qabyaalad ka xoroobaan, taas ayaana sabab u noqotay in aan yeelanno Qaran haybad, sharaf iyo maamuus kulahaa caalamka. ”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay Barnaamijka Isxilqaan oo horseeday in dib loo dhiso, laguna dayac tiro goobahan taariikhiga ah ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyadoo kuwo kale oo haatan gabo gabo maraya, waxa uuna uga mahad-celiyey muwaadin kasta oo xooggiisa iyo xoolihiisaba geliyey dib u dhiska dalka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online