Gudoomiyihii Golaha wakiiladda dowladda Puntland oo xilka laga qaaday

November 7, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Golaha wakiiladda dowladda Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta Baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa  la horkeenay mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed  waxaan hoolka xarunta baarlamaanka soo xaadinay ilaa 53 Xidhibaan.

Xoghayaha Golaha wakiillada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa ka hor akhriyey golaha wakilada Puntland qodobada lagu eedeeyay inuu jabiyay gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed).

Ilaa  49 Xildhibaan ayaa u codeeyey in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed , waxaa ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka dowladda Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa ku waxaa uu sheegay in xil ka qaadista Gudoomiye Dhooba Daareed ay tahay sax waxaan uu magacaabay guddi ka kooban ilaa 7-xubnood ah oo diyaariya doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo loo asteeyey in ay dhacdo 14-ka bishan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online