Guddiga QM: Lacag ayaa lagu bixiyey doorashadii Koonfur Galbeed

November 12, 2019 - Written by Editor

Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa sheegay in xiriirka sii xumaanaya ee dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis dheeri ah ku yahay xasiloonnida Soomaaliya.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in xiisadda labada dhinac ay uga sii dartay isku dayada ay dowladda federaalka ah ku dooneysay inay ku hagto natiijooyinka kasoo baxaya hannaankii doorashooyinka maamulada Jubaland, Puntland iyo si gaar ah doorashadii maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku xirtay musharax Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, ka hor doorashada, ayey tiri warbixinta, waxa uu dhaliyey dhibad-baxyo ballaaran oo ka dhacay magaalada Baydhaba bishii December 2018.

Dibad-baxyadaas ayaa intii ay socdeen ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah iyo kuwa Koonfur Galbeed ay dileen 15 qof oo shacab ah, sida warbixinta ay tiri.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay, in hanaankii doorashada Koonfur Galbeed ay sidoo kale hareeyeen eedeymo ku saabsan laaluush, ayada oo xildhibaanada maamulka uu midkiiba helay lacag u dhaxeysa 20,000 ilaa 30,000 oo dollar, si ay u doortaan musharax la door-bidayey.

“Guddiga waxa uu helay caddeymo muujinaya, in ka hor doorashadii Koonfur Galbeed, uu sarkaal maaliyadeed oo ka tirsan dowladda federaalka uu dhowr boqol oo kun oo dollar ku wareejiyey wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri warbixinta.

Guddiga ayaa sheegay inuu helay warbixino dhowr ah oo tilmaamaya in 82 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Koonfur Galbeed loo duuliyey Muqdisho, horaantii November 2018, halkaasi oo lagu siiyey lacag hordhac ah oo gaareysa shan kun oo dollar midkiiba. Waxaa sidoo kale la ballan-qaaday lacag dheeri ah oo gaareysa 20,000 illaa 30,000 oo dollar, haddii uu guuleysto musharaxii ay wadatay dowladda, sida lagu sheegay warbixinta.

Waxaan gadaal idin kala soo socodsiin doonnaa jawaabta maamulka Koonfur Galbeed.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online