Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Wasaarada haweenka.

November 19, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuuqul insaanka ee Jubbaland ka dhageystey warbixinta sanadlaha ee waxqabadkooda sanadkan 2019.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Marwo Qamar Deeq Khaliif iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa soo bandhigey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomey sanadkan kuwaas oo ay kamid ahaayeen:-

-In wasaaradu ka shaqeysey sidii ay haweenku si siman uga heli lahaayeen kootadooda ama qeybtooda shaqooyinka dowlada:-

-Ilaalinta xuquuqda haweenka ee bulshada iyo dowladaba.

-Wacyigelinta haweenka ee ka qeybqaadashada siyaasadda iyo helidda kootada haweenka ee dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kan JFS.

-Tixgelinta dhibanayaasha jinsiga iyo sida ay usoo gudbin lahaayeen dhibaatooyinka soo wajaha ee dhinaca jinsiga.
-Hirgelina xarumo tababar iyo shaqo abuur loo sameeyey haweenka ku sugan degmooyinka iyo deegaanada xorta ah ee Jubbaland.

Wasaaradda oo warbixin dheer madaxweynaha ka siisay howlaheeda shaqo ayaa sidookale sheegay in ay jiraan caqabado soo wajaha qaar kamid ah shaqooyinka wasaaaradda qaarkood kuwaas oo ay madaxweynaha ayaga oo qoraal ah u gudbiyeen si xalwaara looga gaaro.

Wasaaradda ayaa sidookale soo bandhigtey hiigsigeeda sanadka 2020 kaas oo ay qorshaneyayaan inay fuliyaan sida :-

-In wasaaradu dhamaan deegaanada Jubbaland ka furto xarumaha wasaaradda.

-Dardar galinta shuruucda naafada, Caruurta iyo waliba sharciga xadgudubka jinsiga.

-Abuurista fursado lagu kordhinayo xirfadaha dumarka.

-Hormarinta xuquuqul insaanka iyo helista cadaalad loo dhanyahay.

Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyey wasaaradda adeega ay u hayaan bulshada kuna dhiiri galiyey waxqabadkooda iyo sidii ay usii labo jibaari lahaayeen dadaalkooda si qofkasta oo reer Jubbaland ah u gaaro adeega Dowladu, Madaxweyna ayaa sidookale ballan qaadey xallinta caqabadaha ku gadaaman fulinta adeegyada bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in xukuumadiisu 4ta sano ee soo socota xooga saari doonto sidii ay haweenku xuquuqdooda dastuuriga ah u heli lahaayeen ugana dhex muuqan lahaayeen shaqooyinka dowliga ah.

Barnaamijka dhageysiga warbxinta sanadlaha ee wasaaradaha Jubbaland oo galey maalintiisii labaad ayaa ah mid lagu hubinayo in wasaaraduhu adeegyada dowliga ah sidii loogu talagaley u gaar siinayaan bulshada iyo ogaanshaha caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo si adeegyada dowladu u gaaraan dhamaan dadka iyo deegaanada Dowlada goboleedka Jubbaland.

—-DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online