Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku soo dhoweeyey Safiirka Dalka Swedan ee Soomaaliya.

November 6, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson.

Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Iswiidhan ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac.

Dhinaca kale safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xidhiidh wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online