Madaxweyne Deni oo ka qayb galay xaflad ka dhacday Jaamacadda Bariga Afrika.

November 5, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay qalin bedelashada ardayda dufcadda 7-aad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

Ardayda qalin bedelatay ayaa dhan 190 arday, waxaana ay ka kala bexeen todoba kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha Jaamacadda. Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka Jaamacadda Bariga Africa, Ismo, nabadoono, waalidiin waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco usoo jeediyey ardayda ka qalin bedelatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

“Runtii waa maalin farxad weyn waa maalin aan la qaybsanayno ardayda waxbarashada heerka koowad ka gudubtey ee 190 ka ah, kuwaasi oo bartay kulliyadaha kala duwan ee bulshadu u baahan-tahay iyo waalidkii kusoo tiir iyo tacab beelay oo wakhtiga badan geliyey, waxaan idinla qaybsanaynaa farxaddaas, runtii maanta waa maalin dowladda Puntland farxad u ah, waxaad ogtihiin markii Puntland 1998 la aasaasay oo dalka dowlad, kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenuna sidan u tisqaadeen”

“Guulaha aan gaadhney waxaa kow ka ah dhismaha dowladnimada, taas ayaa sahashey inaan helno Jaamacado. Waajibka la rabo inay shacabka Puntland iyo kuwa Soomaliyeedba ilaaliyaan waa nabadda iyo dowladnimada oo lagu fara adaygo, horumarka aan rabno inaan tiigsano labadaas baa saldhig u ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmamaay in waxbarashadu tahay shayga ugu muhiimsan ee horumar gaadhsiin kara bulsho, waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in laga guuro fekerka ah in dadkoo dhan u shaqeeyaan dowladda, ayna ku bedelaan fekerkaasi fursado kale oo ka faa’iido badan, dalkana gaadhsiin kara horumar, sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan habluhu waxbarashada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey ardayda inuu ku anfaco cilmiga ay barteen, kana yeelo kuwii wax ugu qabta cilmiga ay barteen dalkooda iyo bulshadooda, waxaana uu marlabaad hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisey. Ugu dambayna waxa uu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore gashay abaalmarino.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online