NISA: “Dal shisheeye ayaa lahaa qorshaha Qaraxii ka dhacay Ex-Control”

December 30, 2019 - Written by Editor

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye “uu ku lug lahaa qorshaha” qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. “ ayaa lagu yiri qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ka war dhowraya warka dhiilada leh oo ay baahisay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya Ee NISA.

Halgan.net
Muqdisho

Comments are closed.