Puntland oo ku baaqday dagaal ka dhan ah kooxda Argagixisada Ee Al-shabaab.

December 28, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyay naysaa Qaraxii arxandarada ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Ex-kaantarool, taasi oo ahayd murugo iyo tiiraanyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan taabatay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland wuxuu uga tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la daalaa-dhacaayey noloshooda, una boogadhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in ay la qayb sanayaan murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa ee Argagixisadu u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu markale Alle uga baryey intii ku dhimatay inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online