Madaxweynaha DFS oo la kulmay Suldaanka dalka Cumaan

January 14, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cumaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online