Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka dalka Maraykanka ee Soomaaliya

January 23, 2020 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee dalkaasi Safiirka dalka Maraykanka ee Soomaaliya
Ambassador Donald Yamamoto, saraakiil ka tirsan Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda USAID.

Danjiraha dalka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Donald Yamamoto iyo saraakiisha wehelinaysey ayaa Madaxweyne Deni kusoo booqday rugta uu ka degan yahay magaalada Nairobi, waxaana ku wehelinaayey kulankaasi Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Amniga, si gaar ah la dagaalanka argagixisada, koboca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online