Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidanka

January 12, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Magacaabis iyo Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD=

=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=

Leave a comment

*

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online