Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyey 5 xubnood oo la xukumay

January 16, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.11 oo ku taariikheysan January 15, 2020 cafis gaar ah ugu fidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, farqadiisa 11-aad.

Markuu arkay: Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland

Markuu Tixgaliyay: Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=

Leave a comment

*

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online