Madaxweyne PL Deni oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Birmadka.[Masawiro]

January 1, 2020 - Written by Editor

Garoowe: 01 January 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,174 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>