Nuxurka War-murtiyeedka ay soo saareen Puntland iyo Jubaland Akhriso

January 20, 2020 - Written by Editor

Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah u soo saraaray War-murtiyeed, ka dib shirkii wada-tashiga labada dhinac uga socday magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

War-murtiyeedka oo ka kooban saddex bog ayaa lagu soo bandhigay 16 qodob oo ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Puntland iyo Jubaland.

Sida ku cad war-murtiyeedka ay sida wadajirka u soo saareen Jubaland iyo Puntland, waxay ku qaaddaceen xeerarka ay meel-mariyeen baarlamanka Soomaaliya ee sharciga Batroolka, sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo maray dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxda Puntland iyo Jubland Sidoo kale, waxay ka digeen in la siyaasadeeyo deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya, arrimaha bulshada, barnaamijyada horumarinta, iyo duullimaadyadaa Rayidka ah, waxaana ay cambaareeyeen cuna-qabataynta DFS ay saartay duullimaadyada Jubbaland.

Halgan.net
Boosaaso

Comments are closed.