Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo gaaray Kismaayo.

January 31, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Wasiirka amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Cabdinuur ayaa goor dhawayd soo gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Wasiir Cabdirashiid ayaa 5 bilood ka hor dowladda federaalka Soomaaliya ka qabatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mogadishu xili uu ku sii socday dalka Itoobiya.

Wasiirka Amniga ayaa waxaa ku soo dhaweeeyey magaalada Kismaayo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada iyo hay’adda nabad sugidda Jubbaland, wasiirro, xildhibaano iyo qaar kamid ah eheladiisa kuwaas oo dhamaantood bogaadiyay bad qabka wasiirka.

Wasiirka ayaa la filayaa in uu dhawaan shir jaraaid ku qabto magaalada Kismaayo isaga oo sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed uga warbixin doono xaaladdii uu ku sugnaa shanti bilood ee tagtay iyo waxyaabihii uu la kulmay .

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.