Xildhibaannada Cusub ee Galmudug oo doortay Guddoomiye Ku meel gaar .

January 12, 2020 - Written by Editor

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ay magaalada Dhuusamareeb ku doorteen Guddoomiye ku meel gaar ah.

Xildhibaannada ayaa waxaa ay guddoomiyaha ku meel gaar ah u doorteen xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ah xildhibaanka ugu weyn xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa markii ugu horraysay ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay, waxaana ay isku diyaarinayaan sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha Galmudug .

Halgan.net
Muqdisho

Comments are closed.