Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan-howleed

February 29, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Shir u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa manta ka dhacay Muqdisho, kulanka oo looga dooday howlaha horutabinta u leh dhameeystirka dastuurka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee ay ku shaqeeyaan gudigga Baarlamaanka ayaa qodobada looga dooday waxaa kamid ahaa is-wareysi ku aadan howlaha u qabsoomay seddexda hay’ad iyo howlaha taagan ee u baahan in la qabto.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay.

“Sida aad la socotaan waxa aan kulamo-howleedyo la yeelanay in ku dhow 20 wasaarad oo katirsan XFS, kulamadaas oo lagu lafagurayay wasaarad walba doorka ay ku leedahay dhameeystirka dastuurka si loo helo aragti mideysan oo Dowladda Federaalka ku wajeheyso dhameeystirka dastuurka lagana hortago in hay’adaha dowladda isbar-baryaacaan si aanu dib-u-dhac ugu imaan dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh ayaa si wadajir ah uga warbixiyay howlaha u qabsoomay iyaga oo sheegay in ay dhamaad ku dhowdahay qodobada dastuurka ee farsamo ahaan u baahan in la saxo.

Sidoo kale labada guddi waxa ay sheegeen iyaga oo fulinaya codsi ugu yimid Gudoonka Baarlamaanka in dhowaan marka uu furmo Kala-fadhiga Baarlamaanka ay horgeeyn doonaan warbixin soo koobeysa howlaha dib-u-eegista dastuurka.

Ugu dambayn, seddexda hay’ad ayaa wax ay ku ballmaan in la joogteeyo wadashaqeynta lana kordhiyo kulamada la-tashiga dadweynaha si waqtigii loogu talagalay loogu dhameeystiro dastuurka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online