Madaxda Ahlu Sunna oo Isku-dhiibay Dowladda Soomaaliya.[Dhagayso]

February 29, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Saraakiisha sare ururka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa saakay isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxyar kadib markii ay xalay saqdii dhexe uu soo gaba gaboobay dagaal Khamiistii soo bilowday oo u dhaxeeyey maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalada labada dhinac oo sidoo kale ka dhacay magaalada Guriceel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, oo labada dhinac iyo rayidba isugu jiray. 18 ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen magaalada Dhuusamareb.

Wariyaheenna gobollada dhexe ayaa kusoo warramaya in saraakiisha sare ee Ahlu Sunna hadda lagu hayo xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta saree e Ahlu Sunna ayaa sheegay in in malayshiyaadkooda iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaana taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame. Waxa uu sheegay in taliye Mascuud uu qaaday mas’uuliyadda amaanka madaxda ururka Ahlu Sunna.

Ururka Ahlu Sunna ayaa muddo sanada ahba maamulayay magaalada Dhuusarameeb, kadib markii ay marar badan dagaal la galeen ururuka Al Shabaab.

Haddaba, wararkii ugu danbeeyey ee magaalada Dhuusomareeb ayaa Nuur Bukhaari waxa uu ka wareystay wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq.

Haddaba, isdhiibtiaanka hoggaamiyayaasha ASWJ maxay soo kordhin kartaa, mana horseedi doontaa xal waara oo laga gaaro arrimaha cakiran ee Galmudug?

Su’aallahaasi iyo kuwa kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan waxa
uu weydiiyay Maxamed Qaasim Maxamuud oo ka tirsan machadka Raas ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Haddaba, isdhiibtiaanka hoggaamiyayaasha ASWJ maxay soo kordhin kartaa, mana horseedi doontaa xal waara oo laga gaaro arrimaha cakiran ee Galmudug?

Su’aallahaasi iyo kuwa kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan waxa uu weydiiyay Maxamed Qaasim Maxamuud oo ka tirsan machadka Raas ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

VOA

Comments are closed.

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online