Madaxweynaha JFS oo raali gelin ka bixiyey dhibaatadii loo geystay gobollada Waqooyi Galbeed.[Video]

February 13, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

Dhinac kale Madaxweynaha JFS Maxamed Abdulaahi Farmaajo ayaa raalin gelin ka bixiyey ficiladii tacadiga ahaa ee dowladdii hore ee Somaaliya ay ka geysteen Waqooyiga Soomaaliya waxaa uu yiri

”Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online