Madaxweynaha JFS oo soo xiray shir sanadeedka Garsoorka

February 13, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

“Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro, waxa uuna soo jeediyey in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online