Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Yusuf Cismaan Samatar Bardacad

February 14, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad oo ku geeriyoodey dalka Maraykanka.

Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa Sharciyaqaan, Ruugcadaa Siyaasi Soomaaliyeed ah oo door muhiim ah kasoo qaatay halgankii Soomaaliya, hanaanka xisbiyada badan ee xukuumadihii 1960 ilaa 1969, isaga oo ka mid noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Yuusuf Cismaan Samatar oo soo noqday Guddoomiyihii Xisbigii SDU, waxaa uu Waxbarasho Jamacadeed oo lacag la’aan ah ka saacidey dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba kumanaan arday Soomaaliyeed oo maanta dalkooda iyo dadkoodaba u shaqaynaaya, una soo shaqeeyey, waxa uu ahaa siyaasigii Soomaaliyeed ee wakhtigii ugu badnaa maxbuus u noqda aragtidiisa.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online