Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Sacuudiga ee dalka Kenya

February 4, 2020 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay danjiraha Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga, gaar ahaan sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga, iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan Puntland.

Halgan.net

Comments are closed.