Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Galdogob.

February 8, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 6, 2020, ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen Ku meel gaar ah Degmadda Galdogob.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD=

=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online