Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Baladxaawo.

February 4, 2020 - Written by Editor

Nairobi:-Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan ayaa saaka gaaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, Wasiir Janan ayaa dhawaan ka soo baxsaday xabsi guri ay ku xireen Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan uu yimid magaalada Kismaayo isagoo uga soo gudbay dalka Kenya oo uu u tegay arrimo caafimaad.

Maamulka Jubbaland iyo dadweynaha ku nool degmada Baladxaawo ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey degmada Baladxaawo, Wasiir amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa la filayaa inuu lahadlo warbaahinta isagoo ka hadli doono xariga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u geysteen iyo qaabka uu uga soo baxsaday goobtii lagu xiray.

Wixii ka soo kordha arrinkan iyo shirka jaraaid ee wasiirka janan kala soco Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.