Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo la shiray Ha’yadda UNDP-JPLG

February 11, 2020 - Written by Editor

Garowe February 8 2020:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, oo ay Wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiweli Mire Xirsi, iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa kulan laqaatay masuuliyiin kasocotay Haa’yadda UNDP-JPLG.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Sidii loo dardagalin lahaa shaqooyinka ku saabsan mashruuca loo dhanyahay ee hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ee sanadka cusub.

Kulanka ayaa Waxaa Goob joog ahaa Agaasimayaasha Waaxda Qorsheynta Yuusuf Axmed, iyo Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Gooje-Cade

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

Comments are closed.